Sedex maxbuus oo loo haystay dambiyo culus ayaa ka baxsaday xabsiga Siaya Prison ee dalka Kenya.
Sarkaal u hadlay hogaanka maxaabiista ee Kenya oo magaciisa la yidhaa Dixon Mwakazi ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in sedexda maxbuus ay baxsadeen intii lagu guda jiray kulankii kaniisada ee maanta oo axad ah ay ka qayb qaadanayeen maxaabiistu.
Afhayeenkan ayaa waxa uu intan ku daray in laba ka mid ah maxaabiistan baxsaday dib loo qabtay laguna celiyay xabsiga.
“Ciidanku waxa ay qaadeen hawlgalo xoogan oo ay dib ugu soo xidheen labo ka mid ah maxaabiistii baxsatay waxana bari oo Isniin ah la horgayn-doonaa sharciga si loogu maxkadeeyo falkaas baxsiga ah” ayuu yidhi
Sidoo kale Waxa uu sarkaalkan sheegay in maxbuuska baxsaday lagu daba jiro
“Ciidanka amniga waxa ay ku raad-joogaan maxbuuska sedexaad ee baxsadka ah, waxana aan rajaynaynaa in gacanta lagu soo dhigo”