Maraykan Oo Loogu Baaqay In Uu Ka Baxo Dalka Suuriya

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan Suuriya ay caqabad ku yihiin xasiloonida iyo madax banaanida dalkaas waxaana uu ugu baaqay in ay isaga baxaan wadanka Carbeed.

Ruuxaan ayaa Hadalkaan ka jeediyay magaalada Ankara oo kulan ay ku wada qaateen dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Milatariga Mareykanka ee sida sharci darrada ah ku jooga Suuriya waxay hanjabaad ku yihiin xasiloonida iyo madax banaanida dalkaan oo xubin ka ah golaha amaanka ee qaramada midoobay, ayuu yiri xasan Ruuxaani.
Dhanka kale wuxuu eedeyn u soo jeediyay duqeymaha Israel bilihii la soo dhaafay ay ka geysaneysay gudaha Suuriya, isaga oo intaa raaciyay in Israel ay balaarisay weerarada ay ku heyso wadamada kale ee dariska la ah, sida Lubnaan iyo Ciraaq.

Hogaamiyaha Iiraan ayaa ugu danbeyn tilmaamay in xadgudubyada ceynkani oo kale ah kicin doonto xiisada ka taagan bariga dhexe hadii Israel aysan ka waantoobin.