Carruurta Hindiya: labo qof oo loo xiray dilka ‘carruur bannaanka ku saxarooneysay’

Labo nin oo kasoo jeedda gobolka bartamaha dalka Hindiya ee Madhya Pradesh ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen labo carruur ah oo kasoo jeedda qoomiyadda Dalit(oo horay loogu yaqananay untouchables), kuwaasoo bannaaka ku saxaroonayay, sida ay booliska sheegeen.

Roshni, oo 12 jir ahaa, iyo Avinash, oo 10 jir ahaa, ayaa weerarka lagu qaaday maalintii Arbacada xilli ay ku saxaroonayeen meel u dhow waddada Tuulada, sida lagu sheegay warka kasoo baxay saraakiisha ciidanka booliska.

Qoyska ay carruurtaas kasoo jeedaan ayaa BBC-da u sheegay inaysan musqul ku lahayn gurigooda.

Malaayiin ka mid ah dadka saboolka ah ee dalka Hoindiya ayaa ku saxarooda bannaanka, arrintaas oo si gaar ah khatar u galineysa carruurta iyo haweenka.

Bulshada ka tirsan qoomiyadda Dalits ayaa ah kuwa ugu hooseeya dadka la liido ee waddanka Hindiya, iyadoo ay jiraan sharciyo lagu ilaalinayo xuquuqdoodana, wali waxay wajahaan dhibaatooyin badan.

“Labo ka mid ah carruurta ayaa ul lagu garaacayay ilaa ay ka dhintaan”, Waxaa sidaas BBC-da ku yiri Rajesh Chandel, oo ka mid ah saraakiisha booliska.

Wuxuu sarkaalkan intaas ku daray: “Kiis dil ah ayaan kusoo oognay labada nin ee lasoo eedeeyay, haddana su;’aalo ayaa la weydiinayaa”.

Saacado yar ka dib markii uu weerarka carruurta lagu qaaday dhacay subaxdii Arbacada, booliska ayaa xiray labo nin oo bulshooyinka la ixtiraamo ka tirsan – kuwaasoo lagu kala magacaabo Rameshwar Yadav iyo Hakim Yadav.

Roshni iyo Avinash waxay ahaayeen ilma-adeer, laakiin Roshni waxaa soo korsaday waalidiinta Avinash, iyaga ayuuna waligiisba la noolaa.

Avinash aabihiis oo lagu magacaabo Manoj ayaa sheegay in uu kharash yar ka helo shaqooyinka maalinlaha ah ee uu qabto, sidaas awgeedna uusan awoodi karin inuu gurigiisa musqul u dhiso. Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan fursad u helin ka qeyb qaadashada mashruuc ay dowladdu ballan qaadday oo dadka saboolka ah musqulo loogu dhisayay.

.

Mashruuca loo bixiyay Howlgalka nadiifinta Hindiya ee ay dowladdu billowday ayaa looga gol lahaa in lagu soo afjaro musqusha bannaanka loo aado, waxaana howlihiisa ka mid ahaa in la dhiso musqulo isla markaana sare loo qaado nadaafadda guud ahaan waddanka.

Markii uu Ra’iisul wasaare Narendra Modi mashruucaas daah furay sanadkii 2014-kii, wuxuu wacad ku maray in Hindiya ay ka xoroobi doonto “musqul la’aanta sababta inay dadka bannaanka aadaan” marka la gaaro 2-da bisha October ee sanadkan 2019-ka.

Xaafadda uu dagan yahay Mr Manoj ayaa horay loogu dhawaaqay inaysan ka jirin baahida musqul la’aanta, waxayna dowladdu wali ku howlan tahay in dadka tuulooyinka iyo magaalooyinkaba ay helaan musqulo guryaha dhexdooda ugu yaalla.

.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in iyadoo xitaa si xowli ah loo wado dhismaha musqula ay haddana wali dhibaatada taagan tahay, maadaama ay dhacdo biyo yaraan iyo sidoo kale dadka oo aan si dhakhso ah u baddalin dabeecaddii ay horay ula qabsadeen ee ayhayd inay bannaanka musqul ka dhigtaan.

Hase yeeshee dad badan ayaa Mr Modi uga mahad celiyay inuu u istaagay wax ka qabashada dhibaatadaas uuna xariga ka jaray mashruuc lagu soo afkarayo musqul la’aanta dad badan saameysay.

Hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates ayaa isbuucan Mr Modi ku sharaftay hirgalinta mashruuca lagu magacaabay Swachh Bharat Mission, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ku dayasho u noqonaya dalalka kale ee dhibaatada noocaas ah wajahaya.

XIGASHO BBC