Hargeisa(GNN):-Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Warbaahinta qaarkeed u soo bandhigay Xuur ay ku sheegeen Gorgor-weynihii Dadka ku cunay deegaanno ka tirsan Bariga Itoobiya iyo Koonfurta Somaliland.
Sawirrada Xawayaanka Dadka cunay, qaarna dhaawacay ee deegaannada Somaliland iyo Itoobiya lagu dilay iyo siday uga duwan yihiin Shimbirta Taliska Booliska Jimcihii maanta lagu soo bandhigay ee lugaha dhuudhuuban kaga bogo sawirradan hoose.
Xawayaankan lagu soo bandhigay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo uu Askari ka tirsan Boolisku ku dilay deegaanka Oog, ka dib markii sida uu sheegay Shimbirtan duulaaga ahi weerartay isaga. Hase-yeeshee, waxay u eegtay Xuur caadi ah, isla markaana uma eka Xawayaanka Gorgor-weynaha doolka ah lagu sheegay oo ka waawayn Gorgorkii hore dalka loogu yaqaannay amma u joogi jiray.
Inkasta oo aan Shimbirtan Oog illaa Hargeysa la soo siday muuqaal ahaan iyo awood ahaan la mid ahayn Xawayaanka Dadka cunayey ee deegaannada qaar lagu soo bandhigayey ee ay ka awood liidato, kana muuqaal duwan tahay, haddana waxa la soo gaadhsiiyey Hargeysa Jimcihii, iyagoo Taliska Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Saxaafadda u soo bandhigeen Shimbirtaas.
Inkasta oo aanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiisha Boolisku toona la hadal Warbaahinta loo soo bandhigay Muuqaalka Shimbirkan Hargeysa la keenay, balse Ninka degmada Oog ku dilay Shimbirkan oo la yidhaahdo Maxamuud Cawil Cali oo ka hor Hargeysa Ciidanka Oog ay soo bandhigeen shalay, ayaa Hargeysana kaga warbixiyey sida uu u soo weeraray Shimbirkaasi iyo sida uu u dilay ee Xabbadda ugu dhuftay, tiradaha Shimbiraha wada socday ee tan uu dilay ka midka ahayd iyo waxay gaadhsiisay. Waxaana is-burinaya labada hadal ee Ninkani ka sheegay Caynaba iyo Hargeysa.
Shalay iyo Caynaba:
Maxamuud Cawil Cali oo markii Xuurta caatada ah ee lugaha dhuudhuuban ee uu dilay lagu soo bandhigay magaalada Caynabo warbaahintu wax ka duubtay oo hadlay wuxuu yidhi; “8:30 subaxnimo meelahaas ayey ahayd, dabeedna sidaas ayaan iskaga eegay oo markii ay meel dhaw soo socdeen ayaan arkay inay yihiin wax i weerarsan, dabeedna qori ayaan haystay oo qorigii ayaan ku dhawaaday, meel dhaw markii ay soo socdeen ayaan markaa xabbad ku riday, dabeedna xabbaddii way ku dhacday oo wuu soo dhacay, labada garab ayuu iga soo abbaaray oo halkaas (labada garab) ayuu igaga istaagay, isagoo dhaawac ah, dabeedna fuqa ayaan ku dhegay, qorigiina waan tuuray, dabeetana markaa waannu dagaalannay oo muddo dheer ayaannu is haysanay…..markaa waxa aan soo qaatay dhagax iyo qori xaabo ah, dabeedna kaas ayaan ku garaacay, dee sidaas ayaan bahalkaas ku dilay.”
Maanta iyo Hargeysa!
Ninkaas dhallinyarada ah, waxa uu ka warbixiyey qaabkii uu sheegay inuu u dilay shimbirtan; waxaannu yidhi; “….Ka bacdi waxa aan dareemay guux, waddooyinka ayaan eegay, dabeedna wax baabuur ah oo soo socda waan arki waayey, markaa hawada ayaan eegay oo waxa aan arkay bahalo soo degaya oo ilaa 11 mid ah oo igu soo degaya oo lugaha iyo afka soo laalaadinaya, dabadeed mid ka mid ah ayaa markaa hoos iigu soo degay, qori ayaan sitay oo meel ayuu iigu tiirsanaa, kabacdi waxa aan markaa is idhi; ‘bahalkani waa wixii dadka cuni jiray ee xaga qorigii u kac.’ Dabeed inta aanan qorigii gaadhin ayuu markaa wuxuu igu bilaabay baalashii, dhirbaaxo ayuu igu waalay, dabadeedna aniga oo yar sirinsirqaysan ayaan markaa qorigii gaadhay, qorigii markii aan gacanta midigta la haleeyay ayuu labada garab iskaga kay taagay, markaa gacantaas bidixda ayaan halkaas cudda ayaan qabtay oo waxaan iska ilaaliyey yaannu afkan dheer maskaxda kaaga daloolin…markii uu arkay in aan luqunta ayuu hayo ayuu lugaha igula dagaalamay oo markii uu maryaha iga jeexjeexay… markaas ayaan qorigii haleeyay oo markaas ayaan xabbadda ku dhuftay…”
Haddaba, waxaannu Muuqaalka magaalada Caynabo ee Xarunta gobolka Saraar lagu soo bandhigay ee xawayaankaas iyo ninkii dilay oo ciidanku sheegay inay ka soo qaadeen Oog agteeda, waxay Saraakiisha Ciidanka Ammaanka iyo Maamulka gobolka Saraar Caynabo ka yidhaahdeen iyo kan Taliska Booliska ee Hargeysa lagu soo bandhigay iyo Ninka dilay oo faahfaahinaya waxa dhacayba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan hoose ee daawasho habboon:-
Muuqaalka lagu Soo Bandhigay Oog shalay, halkan hoose ka daawo:-
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com