Burco(GNN):–Shirkan Xisbiga Waddani Oo maanta ka furmay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaan ku bilaabmin jawigii laga filaayey kadib markii laga dhexwaayey siyaasiyiiin miisaan culus ku lahaa xisbiga waddani oo ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenkii xisbigaasi Xildhibaan C.qaadir Jirde.
Sababta uu uga muquurtay ka qaybgalka shirkan ayaa Ah kadib markii la fulin waayay heshiis xisbigaasi hoggaankiisu hore u gaadheen kaasi oo ahaa in doorashada madaxtinimo kadib guddoomiyaha xisbiga Waddani lagu wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.
Dhan kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in Cabdiqaadir Jirde uu ka xanaaqaday siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilligan guux ka dhex wada xisbiga .
Isku soo wada duuboo ka muquurashada shirka ee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa isku badeli karta khilaaf ka soo kala dhex gala hoggaanka sare ee xisbiga Waddani.
Inta La ogyahay Xildhibaan C,qaadir Jirde ayaa Safar ugu Baxay Dalka dibadiisa kaas oo kusoo beegmaya wakhti xisbiga waddani u fadhiisanayey shirweynihiisii golaha dhexe.
La Soco Wixii Warar ah ee kasoo Kordha
Gabiley news Network
Burco Somaliland