Sheekh Umal Oo Dib U Dhigay Muxaadaradii Uu Ku Qaban Rabay Muqdisho

Waxaa dib loo dhigay muxaadaradii la filayay in magaalada Muqdisho uu ku qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal isla markaasna uu Axadda ku qaban doono halkaas, sida uu Sheekha BBC u sheegay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu BBC u sheegay in sababta dib looga dhigay muxaadarada ay tahay in dowladda maanta ay KU mashquulsantahay aaska loo sameynayo gabadhii dhawaan lagu dilay xerada Xalane, Almaas Eman.

Waxaa la filayay in muxaaradada uu ku qaban rabay Sheekh Maxamed Cabdi Umal garoonka ciyaaraha ee Injineer Yariisow uu kaga hadli rabay masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo.

Muxaadaradaas waxaa gaashaanku a daruuray Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar (Sheekh Soomow) – Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya, kaas oo Sheekh Umal ku eedeeyay inuu faafaafiyo xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku tilmaamay mid aan sax ahayn ah.

Sheekh Umul waxaa uu sidoo kale sheegay in muxaaradada ay ka warheyso dowladda isla markaasna uu bulshada u gudbinayo wanaaga.