Nin lagu magacaabo Abu Baker, kana soo jeedo Magaalada Jamalpur ee dalka Hindiya ayaa maalma kahor lagu xiray Magaalada Purbadhala ee dalka Bangladesh, kadib markii ay dacweysay xaaskiisa oo lagu magacaabo Rosy Khanum.
Ninkan oo da’diisu ay tahay 45 sano jir ayaa loo heystaa khiyaano uu ku sameeyay xaaskiisa.
25-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa uu Abu Baker guursaday 60 xaas, waxaana xaaskiisi ugu horeysay uu guursaday isagoo 20 sano jir ah.
Xaaskii 60-aad ayaa dacwadda ka gudbisay, kadib markii ay ku eedeysay in uu uu ka tegay, sidoo kalena adegsadaya waraaqo been abuur ah, si uu iyada u guursado.
Wargeyska The Dhaka Tribune ee ka soo baxa dalka Bangladesh ayaa kusoo warramay in markii Abu Baker guursanayay isla xaaska hadda dacweysay uu iska dhigay nin aan horay usoo guursanin.
Markii uu la aqal galayay Rosy Khanum, waxaa uu sheegtay in magaciisa uu yahay Shaheen Alam, waxaana gabadha aabaheed uu ka dalbaday in uu siiyo lacagta meherka.
Abu Baker ayaa dalbaday lacag dhan laba kun doolar, hasayeeshee aabihii dhalay gabadha ayaa ka diiday dalabkaas oo waxaa uu siiyay sagaal boqol oo doolar.
Hasayeeshee markii la siiyay lacagta meherka ayuu ka dhuuntay gabadhii uu la aqal galay, arrintaas oo keentay in xaaskiisa ay u dacwooto saldhigga booliska ee Purbadhala.
“Sababta aan sidaas u sameeyay waxay ahayd in aan lacag ku helo guurka, 59-kii xaas ee aan horay usoo guursadayna waxaan ka doonayay in aan dhaqaale ka helo,”ayuu yiri Abu Baker.
Ninkan oo xirfadiisu ay tahay macallinimo ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay booliska, waxaana ay wax ka weydiiyeen xaaladiisa, waxaan uu u sheegay in 25-kii sano ee la soo dhaafay uu guursaday 60 xaas, dhamaantoodna uu u guursdaay si uu lacag uga helo.
Saraakiisha booliska ee Islampur ayaa sheegay in ninkan uu adeegsan jiray waraaqo been abuur ah iyo magacyo kala duwan, marwalbana uu iska dhigi jiray qof aan guur soo marin.
Waxaa uu sheegay in isla Magaalada lagu xiray uu haatan kula nool yahay saddex xaas iyo toddobo caruur ah oo uu dhalay.
Dalka Hindiya, dadka heysta diinta Hinduuga waxay dhaqan ahaan aaminsan yihiin in gabadha la guursanayo ay ninka siiso lacagta meherka, kahor guurka, sidaasina ay dhaqaale ku helaan ragga guursanaya gabdhaha.
Xigasho Bbc