Askari ka Qeyb-galay Dagaalkii 2-aad Ee Dunida Oo ka Badbaaday Coronavirus.

Warbaahinta dunida ayaa si joogta ah u warinaya sheekooyinka ku saabsan cudurka COVID-19 oo caalamka uu si xooggan ula dagaallamayo, maadaama uu si xowli ah ku fidayo, dhinaca kalena uusan laheyn daawo iyo tallaal midna.

Cudurkaan oo ah saf-mareen dad badan ka kaceen, kuwa kalena ay u dhinteen ayaa waxaa laga qorayaa sheekooyin kala duwan oo joogta ah.

Armando Pivita waa askari hore oo Baraasiili ah oo jira da’da 99 sano, horayna ugasoo qeyb qaatay dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaa ku dhacay isagoo joogo dalkiisa xanuunka Koroona Fayris, kadibna waxaa la dhigay Cisbitaal ay leeyihiin ciidamada Militiriga dalkaasi, ku dhowaad muddo toddobaad ah kadib , waxa uu kasoo baxay halkii lagu daweynayay isagoo caafimaad qaba.

Pivita ayaa isagoo soconaya gacantana kor u taagaya waxa uu yimid Cisbitaalka bannaankiisa, kadibna waxa uu la hadlay Warbaahinta , isagoo yiri:-

“Runtii waxaan galay xaalad adag oo harjadkeeda uusan yareyn, waxaan helay dadaal caafimaad iyo kaalmooyin wax ku ool ah , taas oo guud ahaan caalamka bareysa in xitaa dadka waaweyn ay ka adkaan karaan COVID-19”.

Askarigaan hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada Baraasiil ayaa waxa uu dagaalkii labaad ee dunida uga qeyb galay qaaradda Afrika, isagoo ka tirsanaa wax madaafiic adag ku dagaallameysay, hase-ahaatee sheekadiisa waxaa wax ka qoraya Warbaahinta dunida iyo kuwa maxalliga ah ee waddankiisa.