Ciidamada amniga ee Nigeria ee meel marinaya xannibaadda dhaqdhaqaa ee dalkaas saaran waxay dileen dad ka badan kuwa u dhintay fayraska corona, sida ay sheegtay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha oo dalkaas ka howlgasha.
Caddeynta dilalka la geystay waxaa bixiyay dad telefoonka ka wacay hay’adda ama u diray muuqaallo, sida ay sheegtay Hay’adda Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Niegria (NHRC) oo ah mid dowladda ay leedahay.
Waxay sheegtay in ciidamada amniga ay dileen 18 qof tan iyo markii xannibaadda lagu soo rogay Nigeria, 30-kii bishii March.
Dhanka Coronavirus waxaa u dhimatay 12 qof sida ku cad macluumaadka wasaaradda caafimaadka Nigeria.
Dalka Nigeria oo shacabkiisu ay gaarayaan 200 oo milyan oo qof, waxaa laga soo sheegay 407 kiis oo Covid-19 ah laakiin waxaa jirto cabsi ah in si degdeg ah uu ugu faafo qeybaha dadka badan ee dalkaas.
Ciidamada Nigeria waxaa horey loogu eedeeyay tacadiyo iyo xadgudubyo ka dhan ah bulshada.
Ugu yaraan, 1,476 oo qof ayey askarta dalkaas dileen sannadkii tagay oo keli ah, sida uu sheegay Golaha Xiriirka Caalamiga ah.
Sida ku xusan warbixinta hay’adda ee Nigeria ee intii xayiraaddu socotay, NHRC waxay sheegtay in ay heshay “18 dhacdo oo kala duwan oo ah dil aan kala sooc lahayn oo sababay geerida 18 qof”.
Sida ay sheegtay hay’adda tirada guud ee dacwadaha la soo gaarsiiyay waxay gaarayaan ill 100 oo kal kala yimid 24 ka mid ah 36-da gobol ee Nigeria – Waxaa ka mid ah Lagos, Ogun iyo Abuja. Seddaxdan gobol xayiraaddii saarnayd labada isbuuc ayaa la kordhiyay.
Qeybaha kale waxaa saaran xannibaado kala duwan oo booliska iyo militariga ay qeyb ka yihiin dhaqangelinta bandowga 24-ka saac ah.
Laamaha amniga ee Nigeria kama aysan jawaabin dhacdadaas ay soo weriyay hay’adda NHRC.
Balse horraantii bishan, Booliska Nigeria waxay shacabka ku booriyeen in ay ciidanka ku soo wargeliyaan dadka jebinaya shuruucda la soo rogay, waxayna intaa ku dareen: “Xuquuqda shacabka Nigeria laguma xadgudbi karo iyadoo marmarsiiyo loo yeelayo”.
Warbixintan la yaab kuma noqoneyso dad badan oo u dhashay Nigeria. Booliska waxay lahaayeen sumacd xumo la xiriirta xadgudub, jirdil iyo tacaddiyo kale oo dhacayay ka hor coronavirus iyo xanibaaddan wax looga qabanayo inuu faafo fayraska safmarka ah.
Arrinta xiisaha leh waxay tahay, warbixintan cusub kama imaan hay’adihii horey u eedeyn jiray sida Human Rights Watch ama Amnesty International. Balse waa warbixin ay soo saartay hay’ad ay dowladda leedahay.
Saraakiisha maamula Booliska Niegria waxay sheegeen in sidii ugu wanaagsanayd ay sameynayaan si askarta dhibka geystay loo hor geeyo laamaha cadaaladda.
Intii xayiraadda ay socotay, boolsika Lagos waxay xireen askeri ka soo muuqday fiidiyow isagoo qiyaastii $110 dollar ka qaadanaya darawal.
Afhayeenka Booliska Lagos wuxuu sheegay in askerigaas maxkamad la hor geeyay, lacagtana loo celiyay qofkii uu ka qaatay. Askeri kale ayaa la dacweeyay ka dib markii uu ku xadgudbay qof shaqaale caafimaad ah.
Isagoo shacabka Nigeria kala hadlayay xannibaadda, Isniintii, Madaxweyne Maxamadu Buhari wuxuu diray farriimo isku dhafan oo la xiriiray laamaha amniga, wuxuuna yiri: “Ciidamada amniga waxaa loo soo saaray wax ka qabashada xaaladdan cakiran, wayna ku amaanan yihiin. Waxaan ku boorinayaa in feejignaanta ay sii badiyaan, ayna wax qabad muujiyaan, iyo sidoo kale in ay iska ilaayiyaan talaabooyiinka adag iyagoo aan ka fogaanayn masuuliyaddooda dhanka amniga.”
In kastoo sharciyada adag ay meesha ku jiraan, haddana dad badan oo reer Nigeria ah ayaa kalsooni yar ku qaba in ay isbedesho dhaqanka askarta in kastoo maamulka ay ballanqaadyo sameynayaan.