Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa Axaddii liiska madow ku daray afar ka mid ah jaraaโidada ugu weyn dalka Britain, ayaga oo ku eedeeyey inay ka qoreen sheekooyin โla dooriyey, been ah, iyo beegsi aan sabab lahayn.โ
Warqad ayey u direen tifaftirayaasha Sun, Daily Mail, Mirror iyo Express, ayaa lamaanahan oo horey uga tegay xubinnimadooda qoyska Boqortooyada Britain, waxay ku sheegeen inay โwax la-macaamil ama sheeko la-wadaagid ahโ ah la yeelan doonin wargeysyadan, sida uu qoray wargeyskaย The Guardian.
โSiyaasaddan ma ahan ka fogaanta in nala cambaareeyo. Ma ahan inaan joojineyno wada-hadallada dadweyne ama tifaftireyno sheeko sax ah,โ ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah warqadda oo uu daabacay wargeyskaย Financial Times.
Hase yeeshee Harry iyo Meghan ayaa sheegay inaysan dooneyn in loo adeegsado โlacag iyo dhaqaale laga sameeyo sheekooyin la dooriyeyโ.
โWaxaan aragnay dad aan naqaan iyo kuwa aynan weligeen la kulmin oo noloshooda loo burburiyey sabab laโaan, marka laga reebo sheekooyin xan ah oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha xayeysiintaโ ayey Harry iyo Meghan ku yiraahdeen warqadda, nuqulka uu daabacay wargeyskaย The Guardian.
Afarta wargeys ayaa warqadda ku qeexay โweerar aan horey loo arag, oo lagu qaaday qeyb ballaaran oo ka mid ah warbaahintaโ.
Farriinta ay u direen tifaftirayaasha ayey Harry iyo Meghan ku sheegeen in siyaasaddooda cusub aysan saameyneyn dhammaan warbaahinta ayna sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan suxufiyiinta kale ee caalamka.
AFP