Madaxweyne Biixi Oo Fariimo Kala Duwan u Diray Warbaahinta iyo Bulshada Dhaliisha Isku Marisa, Soon Dhaweeyey Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Waxaa Fariimo Muhiima u Diray Warbaahinta kala duwan ee dalka gaar ahaan saxafiyiinta iyo Dadka inta badan Dhaliisha isku mariya ama wax aan jirin kagaga sheega shaqada  Qaranka iyo Sharciga Dalka, isgoo Tusaale usoo qaatay Madaxweynuhu in Dalka Ruwaandha  Dhibaatadii iyo qalaalaasihii (Rwandan Revolution) ee dalkaasi soo maray sanadihii 1959 ilaa1961 (Hutu & Tutsi) ay sabab u ahaayeen warar iyo warbixino Been abuura oo laga baahiyey, sidaana boqolaal qof ugu dhinteen.

Waxaanu madaxweynuhu usoo jeediyey in qofkastaaba u tudho aakhiradiisa, islamarkaana waxa uu qorayo iyo Warka uu baahinayaa aanu Noqonin Mid dhibaato, dagaal ama colaad abuura oo aad looga fiirsado, qofkastaana naftiisa ka badbaadiyo cadaab iyo danbi aakhiro iyo aduunba ka dhasha waxa uu isagu qoray ama uu bulshada u Gudbiyey.

Dhanka kale Madaxweynaha jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka waramaya in wakhtigan Xaalada guud ee dalka somaliland ay marayso meel fiican, iyadoo ay socodaan mashaariico kala duwan oo horumarineed, Sida- dakadaha, Warshadaha, Midowga shirkada Isgaadhsiinta Somaliland, iyo Kaabayaasha Bulshada sida laydha iyo Biyaha.

Gabogabadiina waxaa uu Madaxweynuhu ugu hanbalyeey Shacabka somaliland iyo umada muslimka ahba, Curashada bishan barakaysan ee ramadaan oo Bilaabi doonta haddii alle yidhaa Habeen danbe oo  ku beegan sodonka bisha shabcaan.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Madaxweynaha.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network