Emmanuel Adebayor “Anigu Cidna Ma Caawinayo, Taa Ha Iga Sugina, Covid-19 Ma Keenin Lome”

Emmanuel Adebayor oo hore ugu guuleystay xiddiga sannadka ee Afrika, waxa uu ku sugan yahay caasimadda dalkiisa Togo ee Lome, waxaanu si cad u sheegay in aan laga sugin isaga inuu dhaqaale ama wax kale ku taageero dadkiisa xilligan adag.

“Kuwiina leh maxaad wax ugu deeqi weyday, aan aad wax idiinku caddeeyo, anigu waxba kuma deeqayo. Waa wax aad u sahlan.” Ayuu yidhi isagoo sheegay inuu xor u yahay in lacagtiisa uu u maamusho sida uu doono.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxaan doono ayaan samaynayaa, waxaan doonana waan cunayaa. Intaa kaddib, waxa jiri doona dad igu dhalleecayn doona xaqiiqad ah in aanan waxba ku taageerin Lome.”

Emmanuel Adebayor jid dheer ayuu usoo maray inuu taago waddanka Togo markii uu kasoo safray Paraguay oo uu ugu ciyaaro kooxda Olimpia, waxaanu kusii hakaday labada waddan ee France iyo Benin ka hor intii aanu gaadhin Lome oo uu shan maalmood oo karantiil ah meel lagu hayey.

Isaga oo cadhaysan ayuu tilmaamay inay jiraan dadka qaar isaga ku eedaynaya inuu fayraska u keenay Lome, waxaanu yidhi: “In qaar u maleeyaan inaan anigu keenay fayraska Lome, waa nasiib-darro laakiin waddankan ayaa sidaa iska ah.

“Waxay i barbar-dhigi karaan Drogba, waxay i barbar-dhigi karaan Eto’o, laakiin nasiib darro anigu iyaga ma ihi. Anigu waxaan ahay Emmanuel Sheyi Adebayor, mar walbana waxaan samayn doonaa wixii aan anigu rabo.”