Tallaalka looga hortaggayo cudurka Covid-19 oo ay ku howlan tahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK ayaa waxaa soo saari doontaa isla markaana qeybin doontaa shirakadda weyn ee soo saarta dawooyinka ee la yiraahda AstraZeneca iyadoo aysan wax faa’ido ah ka sameyn doonin arrintaas.
Haddii la xaqiijiyo waxtarka tallaalka waxay horseedeysaa in si deg deg ah loo gaarsiiyo dunida.
Tijaabada tallaalka waxay jaamacaddu bilowday 23-kii bishan iyadoo boqolaal qof oo isa soo bixiyay ay ka qeyb qaadanayaan, dowladda UK waxay barnaamijka ku bixisay 25 malyan oo doolar.
Sir John Bell oo bare ka ah kuliyada caafimaadka ee jaamacadda Oxford ayaa BBC u sheegay in iskaashiga uu yahay awoodda ugu weyn ee looga hortaggayo safmarka.
Wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in natiijada kasoo baxda tijaabada dawada la ogaan doono bartmaha bisha Juun.