Dowladda Panama waxay sharci adag u yeeshay xayiraadda lagu xakameynayo cudurka coronavirus, iyadoo ragga u oggolaatay inay danahooda bannaanka soo fushadaan maalmo gooni ah, dumarkana maalmo kale oo u gaar ah.
Tallaabadan ayaa durba hir gashay waxaana maalmaha isbuuca loo kala asteeyay labada jiski ee bulshada.
Dumarka waxaa loo fasaxay inay adeegyada muhiimka ah doontaan maalmaha Isniinta, Arbacada iyo Jimcada, halka raggana loo oggolaaday inay soo baxaan maalmaha Talaadada, Khamiista iyo Sabtida. Axadda, qof kasta waa inuu gurigiisa joogo.
Waddooyinka waayen ee magaalooyinka iyo xaafadaha ayaa aad u xasilan, iyadoo dadka qaarkood ay adeeggooda ugu soo talagalaan dhowr isbuuc, si aysan usoo bixin.
Haween badan ayaa maalmaha loogu talagalay soo baxa, kuwaas oo qaarkood ay carruurtooda gacanta ka heystaan.
Booliska ayaa si joogto ah u sameeya howlgallo ay ku ku hubinayaan dhaqangalinta sharcigan, iyagoo tallaabooyin adag ka qaada qof kasta oo ay ku helaan inuu u hoggaansami waayay.
Qof walba oo reer Panama ah waxaa loo oggol yahay inuu isbuucii saddex maalmood bannaanka usoo baxo, laakiin 2 saacadood kaliya uu ka maqnaado gurigiisa.
Booliska waxay dadka dhaqdhaqaaqyadooda kula socdaan aalado, waana la ogyahay ruux kasta oo dhaafa waqtigii loo qabtay.
Waddanka Panama wuxuu ka mid yahay dalalka Latin America ee uu saameynta xooggan ku yeeshay faraska korona.
Ilaa hadda kiisaska cudurka Covid-19 ee laga xaqiijiyay dalkaas waa 9,606. Tirada dhimashada ayaa mareysa 275 ruux.
Brazil ayaa ah dalka uu saameynta ugu xun ku yeeshay Coronavirus, marka loo eego dhammaan wadamada kale ee qaaraddiisa.
Duqa magaalada ugu weyn dalkaasi Barazil ee Sao Paulo ayaa sheegaya in habka caafimaad ee magaalada uu qarka u saaran yahay inuu bur-buro oo waxaa laga cabsi qabaa iney isbitaalada buux dhaafaan.
Kiisaska fayraska ee Brazil ayaa kor u dhaafay 242,310, iyadoo ay u geeriyoodeen 16192 ruux.