Itoobiya:- Maka Badbaadi Doontaa Khataraha Dahsoon?.W/Q:-C.raxmaan Nuux.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Sitoos ah Loo Weydiiyay Hogaamiyaha Aqlabiyada Shacabka Qawmiyada Oromo Kalsoonidooda Haysta Jawhar Maxamed Miyaanad Itoobiyaan Aheyn?, Mar Kaliya ayuu Ku Naxayaa Wariyaha Su,aasha Weydiiyay Jawaabta Kaga Soo Noqotay Jawhar Maxamed taas oo ah Maya Ma ahi Itoobiyaan, Waxaan ahey OROMO (Emotional Response) Jawaab Shucuur leh ayaa halkaa ka dhalatay, Waxaanu Wariyihii Laba jeer ku Celiyay Sideenad u aheyn Itoobiyaan? Mise Jawhar ma ahi Itoobiyaan Waxaan Ahey Oromo.

Waxaanu intaa Raaciyay, isagoo iska Wata hadalkiisa “Hala Yaabin Inaanan Itoobiyaan aheyn, Maxaa Yeelay Anigu Sanado Baddan ayaan ogola Qawmiyada Axmaaro, Waa Axmaaro, Waan Lahaa oo aan Mar Walba odhanayey, In Baddan oo Kalena Waan ogolaa oo aan lahaa Qawmiyadda Tigrey Waayo, Anniga Markeyga loo Qaadan Waayaa Inaan anna ahey Qawmiyadda Oromo? Wuxuu ku Celceliyay “ii Sheeg Waayo Sabab”.

“Sidaa Daraadeed Ayaanan u Aheyn Itoobiyaan, Waxaan Aaminsanahay, oo aan ahey Oromo, Oromo ayaan ahey Aqlabiyad ayaan ahay, Umad ayaan ahey, Maskax,Dhaqaale, Siyaasad Xoog iyo Xooloba haysata, oo kalideed Meel joogsan Karta ayaan ahey, Walina Jaaniskayagii, iyo Fursadii aanu Laheyn Wey Maqan Tahey, Dhaqdhaqaaqii ayuunbaanu Wadnaa Mooyaane Maanu Qaadan Xiligayagii” Ayuu kusoo Gunaanaday Hadalkisa.

Dawllada Federaalka Itoobiya, Ayaa Maalmihii u Dambeeyay, Digniino u Diraysay Kacdoonka Oromadda, iyagoo uga digaysay in ay Sameeyaan Banaanbaxyo, islamarkaana, Waxaa la Xadidey Lacagaha Baananka Lagala baxayo, oo ah Shuruuc Cusub oo Dalka lagu Soo kordhiyay.

W/Q:-C.raxmaan Nuux Hiiraan.