Maleeshiyaad ku dhawaad 60 qof ku dilay gobolka Borno ee waqooyi bari waddanka Nigeria

Maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku sugan waddanka Nigeria ayaa waxa ay dileen ugu yaraan 59 qof oo ku sugnaa tuulo ku taal gobolka Borno ee waqooyiga dalkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dagaalyahanno ka tirsan ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee gobolka Galbeedka Afrika

Kaas oo ah garab ka tirsan ururka Boko Xaraam ay soo galeen tuulo ka tirsan degmada Gubio, halkaas oo ay toogasho ku dileen dadkii deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi hubaysan ay la tageen lo’ iyo geel.