Madaxweyne loo ganaaxay inuu jebiyey sharciga bandawga ee dalkiisa

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la ganaaxay kaddib markii uu jebiyay bandowga looga dhawaaqay dalkiisa ee looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona.

Zelensky waxaa uu sheegay in arrintani ay ka dambeysay markii uu saddexdii bishan Juun booqday maqaaxi ku taalla bartamaha magaalada Khmelnytsky.

Xafiiskiisa ayaa markii dambe baahiyay sawirka madaxweyne Volodymyr Zelensky oo ku dhex qaxweynaya maqaaxida.

Xilliggaas madaxweynaha ma uusan u xirneyn afka iyo sanka.

“Waxa ay igu sameeyeen waa tallaabo wanaagsan’ isaga oo ugala jeedo ganaaxa lagu riday, balse madaxweynaha ma uusan sheegin waxa lagu ganaaxay.