Hargeisa(GNN):-Cabdirashiid Cabdiwahaab, oo ka tirsan Universal ayaa ii sheegay in wasaaradda Warfaafinta Somaliland bixisay amarka lagu xidhayo TV-ga.
Inkasta oo aan weli Xukuumaddu shaacin sababta ay u xidhay Universal haddana warar qaar ayaa sheega in xadhigu la xidhiidho arrimo ku saabsan Baahinta munaasabaddii 26 June ee Muqdisho iyo Hargeysa.
Waxaana Telefishanka Universal uu kamid ahaa Telefishano Madax Banan oo Xukuumada Somaliland La gashay dhiilka ah In Ay Si toosa u baahiyaan Xuska Maalinta Qaran ee 26ka june Markii ay Somaliland ka qaadatay Xornimadeeda Boqortooyadii ingiriiska 1960kii.
Taas oo Telefishanka Universal xili ay socoto Munaasibadii Xuska Somaliland uu haddana baahiyey Xaflada Ka socotay Muqdisho, isagoo is dhexdhigay Khudbadaha Madaxda Labada Dal oo uu Midkoodba qayb ka baahiyey Barnaamijyadooda.