Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay Dowladda in ay dib u fureyso safaaradeedii Tripoli, maadama ay si kumeel ah howlaheeda ugu fulin jirtay Dalka Tunisia, sida ay baahisay wakaaladda wararka Ruushka , ee Interfax
Ruushka ayaa diblomaasiyiintiisa ka daad gureeyay dalka Libya, bishii October sannadkii 2013-kii, xilligaas oo koox hubeysan ay weerartay.
Lavrov, ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Khalifa Xaftar oo hadda go’aansaday inuu la heshiiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Libya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxa ka socday qalalaase, xilligaas oo meesha laga saaray hoggaamiyihii la dilay Mucamar Al-Qadaafi.
Dhinaca kale, wasiirka gaashandhigga dalka Ruushka Hulusi Akar iyo sarakiil sare sare ayaa booqday dalka Libya, iyagoo la kulmay madaxda dalka Libya.