Safiirka Midowga Yurub Ee Somaliya Oo Kulan la Qaatay Guddiga Doorashoyinka Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolás Berlanga Martinez oo ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa kulan gaar ah waxaa uu la yeeshay Xubnaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada dhinac qabsoomida doorashooyinka isku lamaan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha deeegaanka ee Soomaaliland.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in Xubnaha Guddiga uu ka taageeri doona kalana Shaqeyn doono sidii ay ugu guuleysan lahaayeen doorashooyinka.

Maalma ka hor ayaa Xisbiyada Soomaaliland ee mucaaradka iyo kana talada haya ee Kulmiye ayaa waxaa ay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka oo dhowrkii bileed ee la soo dhaafay isku khilaafsanaayeen.