Fayraska Korona: Maxaanay raggu inta badan u xiran mask-ga wajiga?

Muran dheer kaddib, Monica* ayaa waxa ay qaadatay go’aan adag.

Ninkeeda Eduardo ayaa waxa uu si joogta ah u diiday inuu xirto mask-ga wajiga xilli cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu ku sii badanayo waddanka Brazil – dalkaas oo ah kan labaad ee dadka ugu badan uu ka galaaftay cudurkaasi, oo waxaa ka horreeya Mareykanka oo kaliya.

Marka waxa ay go’aansatay inay isaga tagto dhismaha ay qoyskeedu deggan yihiin ee magaalada Niteroi, ee ay deggan yihiin 480,000 oo qof, taas oo u dhaw magaalada Rio de Janeiro, waxayna iyada iyo wiilkeeda 7 sanno jirka ah u guureen guriga hooyadeed.

“Neef ayaan qabaa taas ayaana iga dhigayso inaan u jilcanaado Fayraska Korona. Hasayeeshee ninkeyga ayaa moodayay inaan aad u cabsanayay,” ayey BBCda u sheegtay.

“Waxa uu ku doodayay inuusan mask u baahnayn sababtoo ah markii uu guriga ka baxo ma uu tago meelaha xiran.

“Ma uusan ka fakarayn inuu halis weyn aniga iyo cannugayaga galiyo.”

Rag badan ayaa u dhintay cudurka Covid-19… hasayeeshee intooda badan waxa ay diidaan inay mask-ga xirtaan

Sheekada Monica iyo Eduardo ayaa waxa ay gundhig u noqonaysaa kalaqeybsanaanta baahsan ee dhinaca jinsiga ee soo shaacbaxday inta uu socday cudurkan safmarka ah.

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in raggu aanan kala jeclayn inay xirtaan mask-ga wajiga iyo qalabkan la isaga ilaaliyo cudurka, markii loo barbar dhigo haweenka, hab dhaqankaas oo lagu arkay cudurro hore u dilaacay.

An unmasked Jared Kushner alongside a masked Ivanka Trump and their kids during a public appearance
 

Sidaas oo ay tahayna dhab ahaantii cudurka Covid-19 uu ku dhacay in ka badan 13.8 milyan oo qof sidoo kalana uu galaaftay nolosha in ka badan 590,000 oo qof, sida lagu sheegay shaxda Jaamacadda Johns Hopkins. Inta badan badan dalalka xogtaas laga heli karo, heerka dhimashada ayaa aad ugu badan ragga.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), oo hore u sheegtay in mask-ga wajiga uusan wax badan ka qaban faafitaanka fayraska korona, ayaa haatan waxa ay ku talinaysaa in wajiga oo la daboosho markii la joogo goobaha ay dadka ku badan yihiin iyo marka kala fogaanshaha aanay suuragal ahayn.

Dalal bandan ayaa haatan waxa ay qasab ka dhigeen in dukaammada iyo gaadiidka dadweynaha ay dadku xirtaan mask-ga wajiga.

Kalsooni iyo islawayni

Haddii mask-ga uu gacan ka gaysan karo dagaalka fayraska korona, marka maxaa keenay in raggu aanay afka daboolan?

Mid ka mid ah falanqeyntii ugu dambaysay ee lagu sameeyay habdhaqanka ragga oo ay sameeyeen Valerio Capraro, bare sare oo cilmiga dhaqaalaha Jaamacadda Middlesex, iyo Hélène Barcelo, oo ah xisaabyahannad u dhalatay waddanka Canada, kana tirsan Mac-hadka Mathematical Science Research Institute, Berkeley.

Aqoonyahannadaas ayaa waxa ay daraasaddooda ka soo uruuriyeen 2,500 oo qof oo ku nool waddanka Mareykanka, waxa ayna ogaadeen in xirashada mask-ga wajiga ee raggu ay ka hoosayso marka loo barbardhigo haweenka.

A masked grave digger observers the graves in a cemetery in Iraq
 

Xigasho bbc