Masar Oo Ruushka Ka Iibsatay Diyaarado Dagaal Oo Gaadhi Kara Biyo Xidheenka Itoobiya + [ Muuqaal ]

Macluumaadka warbaahineed ee sheegaya in Ruushku guddoonsiinayaan Dawladda Masar raxan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Sukhoy 35, maraykanka oo cadho ka muujiyey heshiiskaa kuna hanjabay inay Masar cunoabatayn saari doonaan,

maxaase ku kalliifay Masar inay iibsato diyaaradahaasi, heerkee bayse gaadhsiisan tahay tayada diyaaradaha noocan ahi macluumaad kale ayaa raaci doona ku soo dhowaada barnaamijka Mareego warbaahineed oo laga leeyahay dalka ruushka ayaa baahiyey muuqaalo video ah oo ah diyaaradaha Sukhoy 35 oo lagu hayo tijaabooyin shaqogelineed si loogu wareejiyo milaterig Masar, kana mid ahaa heshiis ay labadaa waddan ruushka iyo Masar wada galeen labo sannadood ka hor, qqiimihiisuna ku kacayey 2 Bilion oo doolarka Maraykanka ah inkastoo aanay illaa hadda oo ah xilliga barnaamijkan la samaynayey aanay Dawladda ruushku si rasmi ah ugu dhawaaqin guddoonsiinta masar e diyaaradahaasi,

hadana waxaa qorshahaa si weyn uga qayliyey dalka maraykanka oo sheegay in dhaangelinta heshiis dhanka iibka hubka ah oo Masar iyo Ruushka dhexmaraa uu ku keeni karo dawladda Masar Cunoqabatayno ay maraykanku ku soo rogaan iyo in ay weydo heshiisyadii ay mustaqbalka la geli lahayd washington.

https://youtu.be/uSv_7pmXYiE