Booliska Hong Kong oo xabsiga u taxaabay nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dimuqraaddiyadda

Booliska Hong Kong ayaa xabsiga u taxaabay nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dimuqraaddiyadda, sidoo kalena ka mid ahaa milkiilayaasha warbaahin ka howl gasho dalkaas, kaas oo lagu magacaabo Jimmy Lai.

Waxaa ninkan lagu tuhunsan yahay inuu wadashaqeyn qarsoodi ah la lahaa waddan shisheeye.

Aroornimadii hore ee maanta ayaa la xiray isaga iyo ugu yaraan lix qof oo kale, oo dhammaantood loo heysto inay ku xad gudbeen sharciga u yaalla qaranka.

Mr Lai ayaa la aaminsan yahay inuu noqonayo qofkii ugu caansanaa ee loo xiro arrimo la xiriira sharciga waddankaas.