16 qof oo ku dhimatay weerarki hotel Elite ee Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray howlgal ay ka sameeyeen hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo saacado ah ka dagaalamayeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al Shabab.

Maleeshiyadaasi ayaa saacidihi ay gudaha ugu jireen hoteelka ku dilay in ka badan 10 qof.