Heerkulkii ugu sarreeyay dunida oo laga soo sheegay Harada Dhimashada ee Mareykanka’

  1. Heerkulkii cimilada ugu kululaa oo cabirkiisu yahay – 130F (54.4C) – ayaa laga soo sheegay Beerta Harada Dhimashada eek u taalla California, Mareykanka.

    Waxaa arrintan xaqiijisay Waaxda Cimilada ee Mareykanka.

    Waxay ku soo aadeysaa iyadoo heerkul sare uu ka jiro xeebta galbeed ee Mareykanka, halkaas oo la sheegay in cimiladu ay sii kululaan doonto toddobaadkan.

    Cimilada kulul ayaa saabtay in labo maalmood ay koronto la`aan ka dhacdo California, kaddib markii ay cillad ku timid qeybiye koronto.

    Heerkulkii ugu kululaa dunida ee hadda kahor la diwaan geliyay ayaa wuxuu cabirkiisa ahaa 129.2F (54C) – waxaana laga soo sheegay isla Harada Dhimashada sanadkii 2013.

    Waa maxay saameynta ka dhalan karta cimilada kulul?

    Saraakiisha ayaa ku qeexay cimilada kulul inay tahay labo ilaa saddex maalmood oo kuleyl xooggan iyo huur ah, iyo cimilo heerkulkeedu ka sarreeyo 90F (32C).

    Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa sheegtay in cimilada kulul ay dishay dad badan.

    Si kastaba, kulka aadka ah ayaa ka sii dari kara xaaladaha uu qofku hore u qaban sida cudurrada sambabbada, wadnaha iyo kilyaha, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

  2. ‘Fadlan igu salaama carruurteyda iyo wiilka aan awoowaha u ahay’

    Weriyaha u dhashay Kenya ee Yassin Juma, oo ku xiran Itoobiya, ayaa sheegay in laga yaabo inuusan sii noolaan doonin, iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dareyso kaddib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus.

    Mr Juma ayaa 47-da maalmood ee uu xabsiga ku jiray uga sheekeeyay warqad lagu soo daabacay wargeyska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa.

    “Waxaan hadda ku xiranahay qeybta (W) waxaa igula jira 68 maxaabiis kale oo qaba Covid-19 isla markaana aan qolalka ciriiriga ah ku heli karin dawo, biyo iyo cunto isku dheellitiran oo xaaladdooda wax ka tareysa. Caafimaadkeyga wuu ka sii darayaa maalin walba, mana hubo inaan ka bixi karo iyo in kale. Waa 50-50 marka la eego coronavirus balse xaaladaha ka jira xabsiga ayaa yareynaya suuragalnimada ah inaan badbaado,” ayuu ku qoray warqadda.

    Mr Juma ayaa laga soo qabtay guriga Jawar Mohammed oo ah milkiile warbaahineed oo u dhashay Itoobiya, kaddib dilkii fannaanka Hachalu Hundessa ee sababay dibadbaxyada.

    Waxaa lagu eedeeyay kicin iyo ku lug lahaansho rabshadaha, waxaa lagu sii daayay damaanad, balse dib ayaa loo soo xiray lamana oga sababta.