Shirkadda Diyaaraddaha e Qaran Airlines oo Duulimaadyo Cusub Oo Somaliland Iyo Turkiga Inay Bilaabayso Hargeysa Ku Shaacisay

Hargeisa(GNN):-Shirkadda Diyaaraddaha Qaran Airlines oo sido kale lagu magacaabo (Som-Turki Airlines) ayaa markii u horaysay ku dhawaaqay inay Xafiis ka furanayso Magaaladda Hargeysa isla markaana ay Duulimaadyo cusub oo markii u horaysay ah Diyaaraddaha Shirkada Qaran Airlines ay Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Duulimaadyo ka bilaabi doonto.

Maamulka Shirkadda Diyaaraddaha Qaran Airlines oo sido kale lagu magacaabo (Som-Turki Airlines) oo ay weheliyaan Xubno Ganacsatadda Dalka Somaliland ka mid ahi ‘ ayaa Saxaafadda kula Hadlay Gegadda Diyaaradduhu ka haadaan ee Cigaal Airports ee magaaladda Hargeysa’ waxay si rasmiya shacabka reer Somaliland ugu wargeliyeen uguna bushaareeyeen in Diyaaraddooda Qaran Airline ay duulimaadyo ka bilaabi doonto Madaarka Hargeysa isla markaana ay duulimaadyo iskaga gooshi doonto magaalooyinka Hargeysa iyo Istanbuul ee Somaliland iyo Turkiga’ isla markaana ay Shirkadani tahay mid Ganacsatadu dalka dibaddiisa kaga keeni karaan Bushciradaha (Cargo/Xamuul) ah.

Maamulaha Shirkadda Diyaaraddaha Qaran Airlines Khaalid Maxamed Axmed Yare oo ka hadlay duulimaadka ay Diyaaraddoodu Somaliland ka bilowdo waxa uu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan ku wargelinayaa inay Diyaaradda qaran Cargo ama Som-Turki Airlines ay duulimaadyo cusub Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka bilaabi doonto maanta oo taariikhdu tahay 18/8/2020 waxaan reer Somaliland ugu bushaaraynayaa waxa Madaarka Hargeysa shaqada Duulimaadyo cusub oo Hargeysa ilaa Turķiga ah ka bilowday Diyaaradda Qaran Airline and Cargo’ sida darteed ganacsatadda iyo dadka reer Somaliland haku soo hirtaan oo ha yimaadaan Xafiisyadda shirkaddani si loogu sameeyo wixii adeegyo duulimaadyada yada ay ugu baahan yihiin ganacsigooda dibada iyo gudahaba…”

Sido kale Nuur Xaaji Xuseen oo ka mida Ganacsatadda reer Somaliland ayaa ka hadlay isla markaana soo dhawayey Shirkadda Qaran Airlines Duulimaadyada ay Hargeysa ka bilaabi doonto
Shirkadda Diyaaradaha ee Qaran Airline maadama ay wada shaqayn la bilaabi doonaan shirkaddani waxaanu yidhi “Waxaanu jecelahay in aanu maanta halkan kaga dhawaaqno oo dadka reer Somaliland ugu bushaarayno in Shirkadda Qaran Airline inay si toosa Madaarka Hargeysa duulimaadyo uga bilaabi doonto’ runtiina diyaaradani aanu maanta Hargeysa ku daahfuraynaa waa diyaarad ku shaqayn doonta Xamuulka ama (CARGo)-ga waxaana Diyaaradani ay ka iman doonta magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga waxaanay imanaysa magaalooyinka Hargeysa ‘Jabuuti iyo Muqdisho’ diyaaradan waxa la yidhaahda Som-Turki Arlines ama Qaran Airlines sida darteed waxaanu Umadda reer Somaliland iyo dhamaan umadda Somaliyeed hadii ay yihiin reer Muqdisho ama Xamar waxaanu gaar ahaan dadka reer Somaliland ee Hargeysa duulimaadka uga bilownay leenahay waa inay fursadani ka faa’iidaystaan’ waxaan inta idiinku darayaa Diyaaradani hadii ay tusaale ahaan Kaargoo ama Bucshirad kaaga soo qaado magaaladda Istanbuul kaliya 8 saacadood oo ay Hawadda ku soo jirayso ayey Somaliland ku soo gaadhaysa oo Alaabahaaga Ganacsiga ee ay ku sidana kuugu keenaysaa shirkadan Diyaaraddaha ee So-Turki Airline waa shirkad shacabka iyada oo u danaynaysa Qiimo Jaban kuugu shaqayn doonta sido kale waxa Fuulimaadkeeda ay ku tagta falka CHINA’ waxa adeegyada shirkadani qabanayso ay fududaysay oo lagaga bixi doona Ganacsigii Bilaha dhexda ku soo jiri jiray oo wakhti saacado ah Dubai ‘ China ama Turki aanu kaaga keeni doono ee dadku waa inay Somaliland ka faa’iidaystaan Fursadani…”

Hibo Baashe oo iyaduna ah Mulkiilaha Baashe Travel And Cargo Agencey oo halka ka hadashay waxa ay tidhi “Anigu waxaan ahay mulkiilaha Travel And Cargo Agencey waxaanan Wakiil uga noqonayaa Qaran Airlines Hargeysa iyo Jabuuti waxaanu dadka reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay Ganacsigii koobaad ee dibadda ay ka keento Diyaaradda Qaran Airline and Cargo waxaanan dadka reer Hargeysa ku wargelinaynaa inay yimaadaan Xafiiska Hargeysa ee Travel And Cargo Agencey iyada oo sido kale ay iman karaan Xafiiska ay Hargeysa ku leedahay Qaran Airline Office…”

Ugu dambayntii waxa sido kale halka ka hadlay qaar ka mida ganacsatadda reer Somaliland ‘ ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey duulimaadka cusub ee shirkaddani Qaran Airline and Cargo Agency ay Hargeysa ka bilaabayso oo ay talaabo mihiim oo shaqo abuur iyo koboca dhaqaale ee dalka Somaliland ay ka qayb qaadan doonto ay ku tilmaameen.