Congo: Maleeshiyo kufsi kula kacay arday imtixaan sameyneysay

Maleeshiyo hubeysan ayaa weeraray iskuul ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxayna kufsadeen gabdho sameynayay imtixaan.

Raggan ayaa weeraray xarun imtixaan ay imtixaankoodii ugu dambeeyay ee sanadka ku sameynayeen 35 arday ah kuna taalla magaalada Isiro, caasimadda gobolka Haut-Uélé.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in qaar ka mid ah ardayda la kufsaday.

Boqollaal arday ah ayaa ka cararay goob kale oo ay imtixaan ku sameynayeen.

Ilaa 700 oo arday iyo macallimiin isugu jira ayaa cararay kaddib weerar ka dhacay meel u dhow xadka Suudaanta Koofureed.

Maleeshiyada ayaa dooneysay inay carqaladeeyaan imtixaanka sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Congo oo lagu magacaabo Dieudonne Kasereka.