Trump oo loo haysto `hadal uu ka sheegay` Nelson Mandela

Hay`adda gargaarka Nelson Mandela ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay inuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka sheegay madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, kana soo horjeeday taliskii caddaanka dalkaas, Nelson Mandela.

Hadalkan ayaa laga soo xigtay buugga cusub ee qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo soo baxay maanta.

Mr Cohen wuxuu buugga ku qoray in Trump uu hadallo cunsuriyad ay ku dheehan tahay ka sheegay Nelson Mandela.

Wuxuu sheegay in Trump uu yiri in madaxweynihii hore ee Koofur Afrika ee geeriyooday “uusan ahayn hoggaamiye”.

“Ii sheeg hal dal oo uu xukumay qof madow ah oo aan ahayn wasakh. Dhammaantood waa musqulo,” ayuu mar yiri Trump, sida laga soo xigtay Mr Cohen.

Aqalka Cad ayaase sheegay in qareenku uu been sheegayo.

Hay`adda gargaarka Nelson Mandela ayaa ugu baaqday Trump inuu ka laabto hadalkaas.