Suudaanta Koofureed oo ka walaacsan kiisaska Covid-19 ee Itoobiya oo kordhay

Waaxaha caafimaadka Suudaanta Koofureed ayaa walaac ka muujiyay kiisaska Covid-19 ee dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya oo kordhay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Itoobiya ay toddobaadkii hore ku dhawaaqday kiisaskeedii ugu badnaa ee xanuunka ah tan iyo bishii March, sida ay sheegtay Hay`adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa duullimaadyo toos ah isaga kala gooshta Addis Ababa iyo Juba, taas oo walaac ku abuurtay Suudaanta Koofureed.

Thuou Loi Cingoth oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo fayraska.