Ganacsade Aadan Baradho iyo Qoraa C,naasir Oo Maanta Kutubta Qur’aanka Ku Wareejiyey Qaar Kamida Maktabadaha Dalka Jsl.

Hargeisa(GNN):-Munaasibad Qado Sharaf oo maanta lagu qabtay Hotel hadhwanaag ee Magaalada hargeisa ayaa waxaa Ganacsadaha Aadan Axmed Diiriye Aadan Baradho uu ku wareejiyey Qaar kamida maktabadaha dalka jsl, fikirka in Kitaabka quraanka kariimka ah la dhigo maktabadaha dalka iyo goobaha lagu akhriso oo ka yimid Qoraaga da’ada yar ee C,naasir Axmed Ibraahim ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Ganacsade Aadan baradho oo isagu si waqfi ah ula baxay kutubtaasi iyo buugaag kale oo ugu talo galay xarumaha akhriska gobolada dalka.

Waxaana halkaasi haddalo kala duwan oo ka jeediyey Qoraa C,naasir, Ganacsade Aadan baradho iyo dad magac leh oo kamida ururada bulshada rayidka ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.