Qarax lala beegsaday madaxweyne ku xigeenka Afghanistan oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar bambo loo adeegsaday oo ka dhacay waddo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, kaas oo lala beegsaday madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Amrullah Saleh.

Mr Saleh, oo ah madaxii hore ee hay`adda sirdoonka Afghanistan, ayaa ka badbaaday qaraxa iyadoo uu dhaawac fudud ka gaaray wejiga iyo gacanta.

Weerarka ayaa ku soo aaday iyadoo saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay isu diyaarinayeen wada hadalladoodii ugu horreeyay ee rasmi ah.

Afhayeen u hadlay Taliban, Zabihullah Mujahid ayaa barta Twitter-ka ku qoray in kooxdu aysan mas`uul ka ahayn qaraxa.

Muuqaal laga duubay goobta ayaa muujinaya qiiq ka baxaya goobta.

Tareq Arain, oo u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan, ayaa sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda lala beegsaday gaadiidka Saleh xilli uu shaqo u socday. Mr Arain ayaa sheegay 10 qof oo rayid ah oo goobta ka shaqeynayay lagu dilay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro mid ka mid ah ilaalada Saleh.

Goobjooge ayaa sheegay inuu gaari ku maray waddada kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Mr Saleh ayaa lagu yaqaannaa inuu aad uga soo horjeedo Taliban, waana madaxii hore ee hay`adda sirdoonka, wuxuu hore uga badbaaday dhowr isku day dil, oo uu ku jiro isku daygii sanadkii hore lagu weeraray xafiiskiisa, ayna ku dhinteen 20 qof. Mar uu hadlayay qaraxa kaddib wuxuu wacad ku maray inuu sii wadayo shaqadiisa siyaasadeed.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa saakay la kulmay Saleh kaddib qaraxa.

Saraakiisha Afghanistan ayaa lagu wadaa in wada hadallo soo daahay ay maalmaha soo socda Taliban kula yeeshaan magaalada Dooxa ee dalka Qadar, wada hadalladan ayaa looga gol leeyahay in xal siyaasadeed laga gaaro dagaallada muddada sanadaha ah ka socda dalkaas.

Taliban ayaa bishii Febraayo ee sanadkan heshiis la saxiixday Mareykanka, heshiiskaas oo soo afjaray 18 sano oo uu labadoodu dagaal ka dhaxeeyay.

Heshiiska nabadda ayaa soo afjaray weerarrada ay Taliban ku qaadi jirtay ciidamada Mareykanka, balse waxay kooxdu sii wadeen weerarrada ay ku beegsadaan milatariga iyo dowladda Afghanistan.