Coronavirus: Isu imaatinka dad ka badan lix qof oo laga mamnuuci doono England

Isu imaatinnada gaarka ah ee dad ka badan lix qof ayaa sharci darro ka noqon doonta UK laga bilaabo Isniinta – iyadoo laga reebayo xaalado gaar ah – xilli ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus.

Isbeddelka sharcigan lagu sameeyay ayaa mamnuuci doona isu imaatinnada waaweyn ee dadka, gudaha guryahooda iyo bannaankaba sida ay dowladdu sheegtay.

Balse arrintan ma khueyso iskuullada, goobaha shaqada iyo xafladaha arooska eek a bad qaba coronavirus, duugta iyo kooxaha cayaartoyda.

Qofkii sharciga u hoggaansami waaya waxaa lagu ganaaxi doonaa £100.

Shuruucda cusub – oo dhaqan geli doonta 14-ka September – ayaa wax ka beddeli doona sharciga haatan ee England ee wax looga qabanayo xanuunka.

“Mid ka mid ah talooyinkii nala siiyay ee qaarkood abooliiska ka yimid waa inaan shuruucda ka dhigno kuwo fudud si qof walba uu u ogaado waxa ay yihiin,” ayuu yiri Xoghayaha Caafimaadka Matt Hancock.

Wuxuu sheegay in qoysaska qaarkood aysan awoodi doonin inay hal mar arkaan awoowayaashooda iyo ayeeyashooda. “Ma ogtahay, waxaan leeyahay saddex carruur ah,” ayuu yiri. “Waxaan nahay qoys shan ka kooban. Sidaas darteed waxay noqoneysaa in qofkiiba aan mar aragno.”