AARGOOSI QABIIL WAA MAANDOORIYE ( SHEEKO GAABAN ) QALINKII : ENG MOHAMED HAIBE HERSI

Dabayaqadii guga 2005 goor galab ah ,cirku qaawan yahay, qoraxduna diiran tahay ,kuna
socoto godkeedii, waxan ka cabaayay kafee mid ka mid ah maqaaxiyaha ku yaala
Alexander plaza oo ah suuq ku yaala Barlin, Germany.
Waxa si kadis ah u soo istaagay garabkayga nin dhuuban oo dheer, midabkiisuna madaw
dhaaf darteed aad moodayso buluug, dhoola cadayntiisana waxa kuu muuqanaaya oo
kaliya ilkahiisa aadka u cadcad.
Waxan ku soo dhaweeyay in uu kafee cabo, barasho ka dib waxa uu ii sheegay in loogu
yeedho Mooge, kuna jiro kaam, yahay na sharci deganaansho suge. Mooge waxa uu iiga
sheekeeyay qiso uu la kulmay 1991, isaga iyo qoyskoodii oo ka qaxay dagaaladii xamar ku
dhexmaray jabhadahii iyo kaligii taliyahii bare.
Waxa uu ku bilaabay hadalkiisii, anagoo marayna qiyaastii meel 40 km kaga beegan
waqooyi galbeed tuulada Walawayn, kana kooban aniga Mooge ah, aabahay, hooyo,
ayeeyday iyo shan wallaaladay ah, xamaantayadana aanu ku sidano sadex dameer oo uu
midi gaadhi jiidanaayo, duhurnimadii waxaanu ku soo baxnay nin geed hoostii caloosha u
jiifa, qaarka sarena qaawan, xaga hoosana macawis dhiig leh guntan.
Ninkaas qalaad oo koomo ku sugan, aabahay oo ahaa nin naxariis badan waxa uu goostay
in uu qaado, oo aanu cidladaas kaga tagin. Habeen iyo maalin ka dib ninkii wuu soo
miyirsaday, waxaanu goostay aabahay, in aan waxba la waraysan, wixii baxnaano ah intii
awoodooda ahna loo qabto.
Shan caano maal kadib anagoo socodkayagii qaxootinimo ku jirna, ayuu ninkii noo
sheegay in loogu yeedho Cismaan, isaga , sadex caruuura oo uu dhalay iyo xaaskiisii u
qaxeen degaankii qabiilka xaaskiisu daganaayeen.
Intaas waxa uu raaciyay in uu ahaa, nin is koris ahaa,oo ku koray magaalo, khilaafka
qabiiladana aan waxba kala socon, dhibaato aarsi qabiil salka ku haysana uu kala kulmay
qabiilkii ay xididka ahaayeen.
Cismaan waxa uu noosheegay, markii ay galeen degaankii qabiilkii ay xididka ahaayeen,
meel cidla ah uu kula kulmay niman hubaysan oo uu ku jiro seedigii. Markii uu seedigay ii
gartay inaan mooge ahay, ayuu walaashii iyo caruurtii uu abtiga u ahaa kaxaystay,
waxaanu amar ku siiiyay saaxiibadii in ay idilaan. Rasaas ayaan ku war helay waxaanay iiga
tageen mayd ahaan, habeenimadii ayaan soo gurguurtay, oo aan ku soo gaadhay meeshii
aad iga hesheen.

AARGOOSI QABIIL WAA MAANDOORIYE
( SHEEKO GAABAN )
QALINKII : ENG MOHAMED HAIBE HERSI

haibe2005@hotmail.com