Eng Cabdicasiis Carab Dahir Ayaa Farsamooyin Cusub Ku Soo Kordhiyay Dhismaha Guryaha

Gabiley(GNN)Eng Cabdicasiis Carab Daahir Waxa Uu Ka Mid Yahay Aqoonyahanka Isbadalada Ku Sameeyay Hanaanka Dhismayaasha Ee Magaalada Gabiley Laga Taabagaliyay Guryahaasi Oo Ah Kuwa Casriya Oo La Jaanqaadaya Kuwa Caalamka.

Eng Cabdicasiis Ayaa Ka Tirsan Hawl-Wadeenada Shirkada Dhismaha Xaaji Muuse Constrution Company Ee Ka Shaqeysa Gobolka Gabiley Waliba Kuwooda Ugu Firfircoon.

Eng Cabdicasiis Carab Daahir Ayaa Hada Mudo 5 Sano Ah Ku Guda Jira Ka Shaqeynta Arimaha Dhismaha, Isagoo Ku Guuleystay Nashqadeynta Guryo Cusub Oo Shirkada Dhismaha Ee Xaaji Muuse Ee Uu Ka Tirsan Yahay Ka Hirgalisay Gudaha Magaalada Gabiley.

Eng Cabdicasiis Carab Daahir Ayaa Haysta Shahaadada Bacholar degree Civil Enginerig Amoud university.

Jacfar Cawil Hereri