Sabrina Dhowre iyo seygeeda oo ku baaqay in gacan laga geysto isbeddelka cimilada

Gabadha jilaaga ah isla markaana xayeysiisa dharka asal ahaanna Soomaali ah, Sabrina Dhowre Elba iyo seygeeda Idris Elba oo isaguna jilaa ah ayaa sheegay in dadku ay shakhsi ahaan wax uga qaban karaan isbeddelka cimilada adduunka.

Lammaanahan oo la hadlay barnaamijka BBC Radio 5 ayaa sheegay in ay rajo jireyso haddii uu qof walba tallaabo u qaado wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Isbeddelka cimilada waxaa aalaaba loo arkaa wax aad u weyn, oo u baahan inay wax ka qabtaan dowladaha caalamka. Balse lammaanaan ayaa aaminsan in qof walba uu gacan ka geysan karo.

Idris ayaa sheegay inuu doonayo in baraha bulshada uu ku leeyahay uu uga hadlo dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay isbeddelka cimilada.

Sabrina iyo Idris waa ololeeyeyaal ka tirsan Hay`adda Qm u qaabilsan Maalgelinta iyo Horumarinta Beeraha (IFAD).

Sabrina ayaa sheegtay in iyada iyo Idris ay aad u doonayaan ka shaqeynta wax ka qabashada waxyaabaha caqabadda ku ah dhulka.

Lammaanahan ayaa ka shaqeeya barnaamijyo caawiya dadka Afrika ku nool ee ay saameysay isbeddelka cimilada. Sanadkii la soo dhaafay waxay aadeen dalka Sierra Leone halkaas oo ay kula kulmeen beeraley uu saameeyay xanuunka Ebola.