Magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan saddax cisho ka socoday oo looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in dhalinyarada gobalkaasi ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo laamaha amniga ay qeyb ka ahayeen.
Arrinkan ayaa imaanaya xili qaar badan oo kamid ah halinyarada gobolka Wuqooyi Bari ee Kenya ay horay ugu biireen kooxda Al-Shabaab, oo gobolka ka fulisay weeraro badan oo dhimasho leh.