Banaanbax Looga soo Horjeedo Kufsi Iyo Dil Oo Mar-kale ka Dhacay Boosaaso.

Boqolaal u badan Haweenka ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay Maanta markale Magaaladaasi ka dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedeen kufsi iy dil la sheegay in loo geystay Gabar kamid aheyd dadka ku nool Magaaladaas.

Gabadhaas ayaa meydkeeda waxaa shalay laga helay xaafada Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso, iyada oo meydka la geeyay Isbitaalka boosaaso, kaddib markii la waayay ehelkeeda wallow markii dambe la helay.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in xilligaan kufsiyada dalka ka dhacaya ay yihiin kuwo mashruuc ah oo ay hay’ado kala duwan lacago kusoo qaateen wallow aysan shaacin Magacyada Hay’adaha.

Waxaa ay ugu baaqeen laamaha Amniga Dowlad goboleedka Puntland inay waxka qabtaan dhibaatooyinka kufsiga iyo dilka ah ee Gabdhaha yar yarka ah loo geysanayo, isla markaana Cadaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaas.

Meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay fal kufsi iyo dil ah oo loo geystay Gabdho aad u da’yar, waxaana jira dad u xran falalkaas iyo kuwo ay Hay’adaha Amniga Somaaliya sheegeen inay baadi goobayaan.