Waa sidee xaaladda Soomaalidii uu sameeyey go’aanka Trump?

Qoysas badan oo qaxooti Soomaali ah oo dib u dejin ka helay dalka Maraykanka ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku xayirn dalka Kenya gaar ahaana caasimadda Nairobi.

Qoysaskaasi ayaa waxaa ay ka mid yihiin dadkii uu saameeyay go’aanadii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku soo rogay muwaadiniinta ilaa 7 wdadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, oo laga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka.

Haddaba afar sano kadib waa sidee nolasha iyo rajada qoysaskii qaxootiga ahaa ee uu saameeyay go’aankii Madaxweyne Trump uu ku hakiyay dib u dejintii iyo safaradii waddamadaas.