Pakistan: Booliiska oo soo badbaadiyay gabar yar oo “qasab lagu guursaday laguna muslimiyay”

Gabar 13 sano jir ah oo Kirishtaan ah kuna nool dalka Pakistan ayaa la soo badbaadiyay, kaddib markii la sheegay in la afduubtay laguna qasbay inay muslimto ayna guursato nin Muslim ah.

Gabadhan ayaa la helay bil kaddib markii waalidkeed ay sheegeen in gabadhooda uu afduubtayCali Azhar, oo 44 jir ah.

Maxkamadda ayaanan arrintaas tallaabo ka qaadin, sababtoo ah waxay ku qanceen hadalka gabadha oo ahaa inay 18 jir tahay ayna ayada iskeed u guursaneyso ninkaas.

Balse cadaadis ka yimid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo bulshada ayaa sababay in booliisk uu tallaabo qaado.

Hoggaamiyeyaasha kaniisadaha Catholic-gga ee dalka Pakistan iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa codsaday in xukunka maxkamadda dib u eegis lagu sameeyo, iyagoo ku doodaya in gabadha lagu qasbay inay hadasho kaddib markii la guursaday. Dibadbaxayaal ayaa sidoo kale waddooyinka magaalada Karachi ka dhigay bannaanbax.

Shalay, Maxkamadda Sare ee Sindh ayaa ku amartay booliiska inay soo raadiyaan gabadha. Gelinkii dambe ee shalay ayaa la helay waxaana lagu hayaa meel ammaan ah, ilaa laga gaarayo 5-ta bisha oo ay bilaaban doonto dhegeysiga maxkamadda.

Ninka la sheegay inuu afduubtay ayaa isagana xalay la soo xiray.

Qoyska gabadha ayaa 13-kii October sheegay in gabadhooda la la`yahay. Labo maalmood kaddib aabbaheed ayaa lagu wargeliyay in Ali uu la yimid shahaadada guurka isagoo sheegay inay 18 jir tahay ayna soo muslimtay.

Qoyska ayaa sheegay in shahaadadaas ay been abuur ahayd, balse markii kiiska uu gaaray maxkamadda 27-kii October, waxay Maxkamadda Sare ee Sindh xukuntay in gabadha ay la joogto ninka.

Sida laga soo xigtay warbixin ay dhowaan soo saartay Qaramada Midoobay, guurka carruurta ayaa aad uga jira Koofurta Aasiya. Dalka Pakistan, ku dhowaad 25% haweenka ku jira da`da 20-naadka waxaa la guursaday markii ay jireen 18 sano.