Muxuu caalamka ka yiri weerarkii Vienna?

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay, hoggaamiyaha Austria Sebastian Kurz ayaa wuxuu ku yiri “waxaan ku wajaheynaa saacado adag gudaha jamhuuriyaddeenna”.

“Booliiskeennu si adag ayay wax uga qaban doonaan dembiilayaasha weerarkan argagixiso. Marnaba ma oggolaan doonno in nala argagixiyo,” ayuu yiri.

Austria in muddo ah kama dhicin weerarrada saameeyay dalalka kale ee Yurub. Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa cambaareeyay weerarkaas, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in Yurub aysan marnaba “u joojin” weerarrada.

“Annaga, dadka Faransiiska, waxaan murugada la qeybsaneynaa dadka Austria, oo uu fiidnimadan hareeyay weerar ka dhacay bartamaha caasimadda, Vienna. Tani waa Yurubteenna. Cadowgeenna waa inay ogaadaan cedda aan la macaamileyno,” ayuu yiri.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii weerar toorrey loo adeegsaday uu ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kaas oo uu madaxweyne Macron ku sheegay inuu ahaa “Weerar ay fuliyeen koox Islaamiyiin ah”.

Ra`iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dadka Austria.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – oo ku jiray ololihiisa doorashada madaxtinnimo – ayaa weerarkaas ku tilmaamay “fal kale oo argagixiso oo Yurub ka dhacay”.

“Weerarradan xun ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan waa in la joojiyaa. Mareykanku wuxuu la jiraa Austria, Faransiiska, iyo dhammaan Yurub dagaalka ay kula jiraan argagixisada,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraaddiga Joe Biden ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaas.

Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel ayaa sidoo kale weerarkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah kana dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ra`iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sidoo kale falkaas ku tilmaamay mid xun, wuxuuna taageero u muujiyay Austria.