Biden Oo Ku Dhawaaqay In Uu Guulaystay

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.

Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aado Aqalka Cad iyada oo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.

Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.

Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.

“Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” Mr Biden ayaa u sheegay taageerayaashiisa Wilmington, Delaware, habeenkii jimcaha, isagoo ku dhawaaqaya in kalsoonidoodu sii kordheyso, ayna codbixiyayaashu ay muujinayaan inuu hogaaminayo isagu.

Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen – in ka badan 74 milyan oo qof, kuwaas oo ka badan marka loo eego qof kasta oo u tartamay madaxtinimada Mareykanka, taariikh ahaan.

Odaygan oo isu tixgeliya inuu yahay musharraxa midnimada ka dib ololihii qadhaadhaa ee uu soo halgamay, ayaa sheegay in la joogo xilligii “la saari lahaa kala duwanaanshaha Fekerka siyaasaddayada” oo “la noqon lahaa sokeeye midba midka kale xigsado”

“Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw, waxaan nahay Mareykan,” ayuu yiri Mr Biden, oo aan soo hadal qaadin ninka la tartamaya ee Jamhuuriga, Mr Trump.

Mr Biden – oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la’aan, wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.

Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee inagu soo aaddan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.
Musharrax Joe Biden ayaa ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, isagoo in ka badan lix kun oo cod ku hogaaminaya Donald Trump.

Waa gobol muhiim u ah loolanka madaxtinnimada Maraykanka ee ay ku tartamayaan Biden iyo Trump.

Haddii uu Biden ku guulaysto Pennsylvania, waxaa uu ku guulaysan doonaa tartanka isagoo noqon doona madaxweynaha la doortay.

Gobolkaas ayaa leh 20 cod oo ah ergada doorashada, iyadoo inta la xaqiijiyay uu Biden heysto 253 codadkaas ah, uuna u baahan yahay 17 cod oo keliya.

Trump ayaa isla maanta lumiyay codadkii uu ku hogaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia.

Natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto.