Mashruuca Nafaqaynta Somaliland Oo Si Rasmi Ah Looga Daaahfuray Gabilay + Sawiro

Gabiley(GNN)Magaalada Gabiley Ee Xarunta Gobolka Gabiley Ayaa Maanta Lagu Qabtay Kulan Balaadhan Oo Lagu Gorfeynayo Habsami Socodka Iyo Xoojinta Nidaamka Nafeqeynta Ee Dalka.

Kulankan Ayaa Waxa Soo Qaban-Qaabiyay Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Oo Adeegan Nafaqeyntu Si Toos Ah U Hoostago.

Kulankan Oo Ay Ka Soo Qeybgaleen Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada, Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakameynta Aydhiska, Gudoomiyaha Haayadda Ambikam Iyo Madaxa Mashruuca Nafaqeynta Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Iskuduwayaasha Laamaha Dawlada U Jooga Gobolka Gabiley Ayaa Lagu Naaqishay Hanaanka Ugu Haboon Ee Loogu Guuleysan-Karo Meelmarinta Barnaamijkan Nafaqeynta.

waxaana Lagaga Hadlay Sido Kale Qodobo Kala Duwan Oo Saamaxaya Taabagalinta Barnaamijkan Nafaqeynta.

Qodobada Kulanka Lagu Faaqiday Ayaa Kala Ahaa Isla Markaana Laysku Afgartay Ayaa U Dhigna Sidan

(1)Bixinta Tababaro La Xidhiidha Mahsruuca Nafaqeynta.

(2)Doorka Haayaddaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Dawladu ka Qaadanayaan Socodsiinta Iyo Ka Shaqeysiinta Mashruuca Nafaqeynta.

(3)Kobcinta Aqoonta Lagu iftiiminayo Qiimaha Ay Nafaqeyntu U  Leedahay.

(4)Dib U Eegis Lagu Sameynayo In La Ogaado Waxyaabaha Ka Hirgalay Meelmarka Mashruuca Nafaqeynta Iyo Qorsheynta Hormarinta Mashruuca Ee Sanaddaha Soo Socda Si Looga Gun-Gaadho Hormarintiisa.