Magaalada Gabiley Maayer Nooceeya Ayaa La Dooran-Karaa Oo Bulshada Badhaadhe U Horseedi Kara?

Gabiley(GNN)Muddo Ka Yar 7 Bilood Ayaa Inaga Xiga Doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Iyo Deegaanka Sida Ay Sheegeen Gudida Doorashooyinka Qaranku.

Dhawaan Waxa Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Ka Bilaabmaya Qaadashada Kaadhka Codbixinta Si Kaadhka Ay U Qaataan Dadkii Aan Hore U Qaadan.Waxa Muuqanaya Ididdilo Iyo Aragti Doorasho, Taasi Oo Ay Bulshada Kala Cuganayso Cida Ay Maseerkooda Ku Aaminayaan.

Hadaba Waxa Isaso Sharaxaya Bulsho Tiro Badan Oo Han Iyo Hiigsileh Ha Yeeshee Markay Guuleystaan Inta Looga Baahan Yahay, Waxa Hadana La Dooranayaa Maayerka Magaalada Gabiley Oo Hogaamin Doona Golaha Deegaanka Iyo Bulshada Degmada.

Bulshada Ayaa Hore Ugu Hungoobay Masuuliyiin Ay Doorteen Kuwaasi Oo Aan Bulshada Waxba Ku Soo Celin Oo Ka Shiriik Yeelay Danahooda Gaar Ahaaneed.

Hadaba Sanadkan Qof Nooceeya Ayaa Ku Haboon In Xilkaasi Lagu Aamino Iyadoo Uu Abwaanka Weyn Ee Weedhsame Soo Saaray Ereyo Uu Ku Qeexayo Waxa Uu Ku Sheegay Sabanka Maanta , Qaar Ka Mida Ereyadaasi Ayaa Odhanaya

Seban waxan la kowsaday
Ninka aan wax siri karin
Weligii sed-yare yahay!!

Seban waxan la kowsaday
Ka siraado mooyee
U siraaddu ceeb tahay!!!

Seben waxan la kowsaday
Xaaraantu soor tahay
Boobkuna sabiib yahay

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI