Manchester United Oo Bogaba Javantus Kaga Badalanaysa Cristiano Ronaldo.

Kooxda Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka khadkeeda dhexe ee Paul Labile Pogba kaas oo mustaqbalkiisa Old Trafford uu ahaa mid xasiloonaanta ka dheer sanadihii ugu dambeeyay oo dhan.

Xiddiga kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa kusoo jiray qaab ciyaareed wanaagsan tan iyo markii uu wakiilkiisa Mino Raiola shaaciyay in wakhtigiisii Manchester soo dhammaaday bishii hore.
Man United ayaa qaab ciyaareed heer sarre ah kusoo naaloonaysay dhawaanahan iyagoo hoggaanka la qabtay kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool kaddib guul 2-1 ah oo ay ka gaadheen Aston Villa.

Si kastaba, marka laga yimaado guud ahaan jawiga wanaagsan ee ay Red Devils ku jiraan, wargeyska Dailly Mirror ayaa sheegaya tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo maamulka Man United ay aqbaleen xaqiiqada ah inay iska iibin doonaan Pogba.

Bishii October ayay ahayd markii Man United ay hal sano oo dheeri ah kordhisay heshiiska Pogba sida uu heshiiskiisii hore dhigayay taas oo ka dhigan inuu ugu yaraan ilaa 2022 sii joogayo balse haatan ayay doonayaan inay dib uga sameeyaan badh kamida lacagtii ay Juventus kasoo siisteen afar sano iyo badh kahor.

Warkan ayaa ah mid imanaya hal bil kaddib markii uu wargeyska Sportsmail shaaciyay in Paul uu wadahadalo fool ka fool ah la yeeshay Solskjaer iyadoo ay miiska saaran tahay fursada uu ugu laaban karo Juve.
Warbixinta Dailly Mirror ayaa sidoo kale intaas ku daraysa in Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ay xiisaynayaan saxeexa Pogba halka ay warar kale sheegayaan inay Juventus kaga soo bedelan karaan Paulo Dybala amaba Cristiano Ronaldo.