Hargeisa(GNN):-Taliyaha xigeenka ciidanka asluubta Jamhuuriyadda Somaliland gaashaanle sarr, Aadan Axmed Mooye (Kannadi) ayaa maanta kormeer indho indhayn ah ku tagey goobta ay ka socoto tababarka iyo u diyaargarawga la xidhiidha maalinta Qaran ee 18-ka May 2021 ay ku qaataan ciidanka asluubtu.
Ciidanka asluubta Somaliland ayaa wada u diyaar garow xooggan, oo ku aadan xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2021-ka.
Ciidamada ayaa si maalinle ah u sameya gaardis iyo gaado ka ciyaar, iyaga oo ay weheliyaan ciidamada Baanboydu.
Hadda maalintan Qaran ee 18-ka May oo ay ka hadhsan tahay maalmo kooban haddii ILLAAHEY yidhaaho.