Hargeisa(GNN):-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa Saaka la horkeenay musharax shucayb maxamed muuse oo habeenii khamiistii ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen. Iyadoo aad loo adkeeyay Amaanka maxkamada islamarkaana musharax ay sideen ciidamo tiro badan oo aad moodaysa jawiga maxkamada in la horkeenay cid argagixiso ah ama qof danbi culus ka galay qaranka
Maxkamada gobolka maroodi ayaa 7 cisho oo rumaan ah u dirtay Musharax Shucayb Maxamed Muuse taasi oo ay ka dalbadeen haayadaha baadhista oo aan wali keeni eeda loo haysto musharax shucayb iyo cida dhibanaha ka ah
Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah musharixiinta xisbiga ucid ayaa maalintii seddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa
Xukuumadda Somaliland iyo laamaha ayaa mudooyinkii udanbeeyay Tirada Musharaxiinta ay xidheen kor u dhaafayaan ilaa saddex musharax halka kuwo kalena hadda la qorshaynayo in xabsiga loo taxaabo.
Sikasta oo ay tahay xukuumada iyo laamaha amnigu ayaan wali ka hadlin xadhiga Shucayb Maxamed Muuse.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network