Garoowe(GNN):-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka ay walaac ka qabaan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.
James Swan ayaa sheegay in beesha caalamka ay rumeysan tahay in khilaafka madaxda Soomaalida uu halis ku yahay hanaanka doorashooyinka dalka ka socda.
“Waxaan kala hadalnay Deni dedejinta wejiga xiga ee doorashooyinka, oo ah doorashada Golaha Shacabka. Waxaan la wadaagnay walaaca beesha caalamka ay ka qabto halisaha ay khilaafyada taagan ee u dhaxeeya madaxda qaranka kusoo rogi karaan hanaankan,” ayuu yiri James Swan oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.
Waxa uu sheegay in wafdigii uu hoggaaminayey iyo madaxweyne Deni ay isku raaceen in madaxda Soomaalida ay sii wadaan inay wada-shaqeeyaan, si ku dhisan midnimo qaran, ayna ka guuleystaan khilaafyadooda.
Hadalka James Swan ayaa imanaya ayada oo ay burbureen wada-hadallo u socday Farmaajo iyo Rooble, oo ay dhex-dhexaadinayeen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.
Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya inaan la baarin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’adda NISA.