Shirweynaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada oo Sannadkiiba halmar la qabto ayaa sanadkan ka dhacaya Magaalo madaxda Gobolk Awdal Borama.

Borama(GNN):- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada somaliland oo sanadkiiba halmar soo agaasinta shirweynaha Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada laguna qabto dalka ayaa sanadkan ka dhacay xarunta magaalo madaxda gobolka awdal ee borama.
Shirkan isgaadhsiinta oo ay kasoo qaybgalaan shirkada ku shaqada leh arimaha isgaadhsiinta iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha tiknoolajiyada ayaa lagu lafo guraa arrimaha isgaadhsiinta casriga ah ee geeska iyo ta somaliland.
Arrimaha diiradq lagu saaridoono sannadkan ayaa waxaa kamid ah
1- Dood lagu falanqayn doono “Doorka halabuurka teknoolajiyadda ee kobcinta dhaqaalaha Somaliland” ayaa ka mid ah doodaha sannadkan ee shirwaynaha ICT-ga.
2-Shirwaynaha ICT-ga ee 2022, waxa sidoo kale doodaha ku jira ka mid ah:
“Cybersecurity in digital banking, challenges and opportunities” oo lagu falan-qayn doono caqabadaha iyo fursadaha ilaalinta nidaamyada ay ku shaqeeyaan bankiyada teknoolajiyadeed.
3-Dooadaha lagu falan-qayn doono Shirwaynaha ICT-gu waxa ka mid ah “Doorka ay Teknoolajiyaddu ku leedahay Faafinta Adeegyada Dawladda” waxa dooddan lagaga hadli doonaa muhiimadda ay leedahay adeegsiga teknoolajiyadda, gaar ahaan xafiisyada dawladda, si loo fudaydiyo adeeg bixinta.
Somaliland ICT Conference
4-Doodaha Sannadkan lagu falan-qayn doono shirwaynaha ICT-ga waxa ka mid ah:
“Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiyada ee la xidhiidha ilaalinta nabad-gelyada internet-ka” “Public-Private Partnership on National Cyber Security”.