Xog Culus: General Jidhif oo Soo Bandhigay Taariikh Qarsoonayd Hambalyana u diray Ciidanka Booliska JSL.

Hargeysa (GNN)- General Maxamed Xassan C,laahi Taliyhii hore Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa hanbalyo u diray guud ahaa Ciidamada Booliska JSL Xuska Munaasibada Aas-aaskii Ciidamada Booliska oo ku began maalinta barito oo ay Taariikhdu tahay 03-11-2022, waxaanu ku amaanay sida ay hadh iyo habeen ugu taagan yihiin Amniga Qaranka JSL.

Dhinaca Kale Gen. Maxamed Xassan Cabdi-laahi oo ahaa aas-aasihii Ciidankii nabadgayada oo markii ugu horeysay laga hirgaliyey Caasimada JSL ee Hargeisa kuwaasi oo shaqeynaayey 1991 ilaa 1993 kana koobnaa ilaa saddex boqol oo askari markii danbana ka unkameen Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

General Jidhif oo ahaa Talihii Ciidankii Nabadgalyada ee xiligaasi oo ay gacan siinayeen Odaayaashii Magaalada Hargeysa gaar ahaan Madax-dhaqameedkii, Ganacsatadii & Guud ahaan waxgaradkii Somaliland waxaanu Jananku ka sheekeeyey Taariikhdii iyo Mar-xaladihii kala Duwanaa ee ay soo mareen Ciidamada Boolisku, Faah Faahinta Warkaasi Halkan Hoose ka Daawo.