Hargeysa(HNN):-Shirkadda Roob-roon oo Munaasibad Ballaadhan ku qabatay Magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigtay Iibka Saamiyada Beeraha ee Shirkaddaasi. Munaasibadda Shirkadda Roob-roon ku soo bandhigtay Iibka Saamiyada Beeraha, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Maalgeshiga, Xildhibaano iyo Marti-sharaf kale. Ugu horrayn, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda ROOB-ROON Cabdiraxmaan Sheekh Axmed. Guddoomiyaha ayaa faahfaahiyey Saamiyada Maalgelinta Beeraha ee ay bixinayso Shirkaddu, waxaanu tilmaamay in Habkani uu horseedi karo horumar Somaliland ka gaadho wax soo saarka Beeraha.
Munaasibadda lagu Daah-furay Iibka saamiyada Beeraha ee Shirkadda Roob-roon, ayaa waxa kale oo ka hadlay Xubno ka mid ah dadka daneeya Beeraha, kuwaasi oo uu ka mid yahay Subeer Maxamed Xasan. Gebogabadiina waxa hadalka iskaga dambeeyay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Maalgeshiga Dhego-weyne, waxayna soo dhaweeyeen Fikirkan ay la timid Shirkadda ROOB-ROON. Roob-roon oo illaa hadda ah Shirkadda keliya ee nooceeda ah ee Somaliland ka jirta, ayaa gacan ka geysan karta Horumarinta Wax soo saarka Beeraha Somaliland.